Ku soo Dhawow Naadiga Hormarinta Akhris-qoraalka iyo Dhallinyarada Garaadkobac. Halkaas hoose ka akhriso
SHURUUDAHA, XUQUUQDA IYO WAAJIBAADKA XUBINNIMADA RASMIGA AH EE NAADIGA:
03-Sep-2024 NAGAR/06/0223
Qof kasta oo doonaya inuu xubin rasmi ah ka noqdo Naadiga waxaa laga rabaa inuu aqriyo, fahmo oo ballanqaado inuu gudanayo dhammaan shuruudaha soo socda:
Shuruudaha Xubinimada:
1. Waa inuu yahay qof Muslim Sunni ah oo Soomaali ah.
2. Waa inuu degganyahay Magaalo uu ka heli karo adeegyada Naadiga sida Muqdisho ama Online firfircooni dheeraad ah lasocoto.
3. Waa inuu aqoon buuxda u yeeshaa naadiga, kahor inta uusan kusoo biirin.
4. Waa inuusan balwad laheyn farahana kula jirin wax sumcaddiisa, karaamada naftiisa, dalkiisa, dadkiisa iyo sharafta naadiga meel uga dhici kara.
5. Waa inuu xushmad, qadarin iyo wax kala faa’iideysi kula joogo Xubnaha Naadiga.
6. Waa inuu bixiyaa diiwaangelin iyo aqoonsi $5 ah.
7. Waa inuu diyaar u yahay inuu dhowro ballamaha iyo wixii kale ee lagu heshiiyo.
Waajibaadka Xubinta:
1. Waa inuu diyaar u yahay inuu jadwalkiisa wax aqris iyo qorid hormariyo, si joogto ahna kaga qeyb qaato howlaha naadiga sida Gorfeynta Buugaagta, kulammada, tababarrada.
2. Waa inuu bishii hal Buug soo akhriyo, soo jeediyo oo falcelinna kasoo sameeyo.
3. Waa inuu bishii $1 kaliya ku shubo qasnadda Naadiga, hadduusan xil heyn.
4. Waa inuu soo xaadiraa kulanka Joogtada ah ee naadiga oo Jimce dhaaf ah.
5. Waa inuu cudurdaarkiisa soo diraa maalin kahor kulanka Naadiga.
Xuquuqda Xubinta:
1. Waxa uu helayaa kaar aqoonsi uu Maktabadaha akhriska bilaash ugu geli karo, oo buug tabalsi, qiimo dhimis dhanka iibka iyo daabacaadda buugaagta ku heheli karaa.
2. Tababarrada, Tartammada iyo Bandhigyada Naadiga ayuu shuruud la’aan xaadiri karaa.
3. Waa in buuggiisa loo tifattiraa, bandhigaa hadduu shuruudaha bandhiga buuxsho.
4. Waxa uu xaq u leeyahey codeynta iyo tartamidda doorashooyinka Naadiga.
5. Waxa uu mudanyahey xil u dhiibid, is casilid, iyo jago ka qaadis.
F.G: Qofkii ku dhaca hal bil gudeheed dhammaan shuruudaha iyo waajibaadka xubinimada ama hal qodob saddex bil oo xiriir ah ku dhaca waa laga saarayaa Naadiga.